HomeWararRW Rooble booqday Ciidamo ku dhaawacmay dagaal ay la galeen Al-shabaab

RW Rooble booqday Ciidamo ku dhaawacmay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wsaaare Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories