HomeWararPuntland oo War kasoo saartay geeridii ku timid Gen. Khaliif Mudan

Puntland oo War kasoo saartay geeridii ku timid Gen. Khaliif Mudan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Maamulka iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga. “Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada […]

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Maamulka iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga.

“Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada” ayuu lagu yiri Qoraal  kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Sidoo kale waxa uu Alle SWC uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntlandba.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee amniga Puntland uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanyay isbitaal ku yaalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu u geeriyooday Maanta oo tallaado ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories