HomeWararMusharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta kulan la yeelanaya Beesha Caalamka

Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta kulan la yeelanaya Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Gelinkii dambe ee Maanta oo tallaado ayaa waxaa la filayaa in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay kulan la yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya kahor inta aan lasoo xirin Shirweynaha u socda. Shirkaan Musharaxiinta iyo Beeshs Caalamka ayaa sida uu qorshahu yahay ku qabsoomi doona aada fogaan araga ee loo yaqaano ZOOM-ka, […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta oo tallaado ayaa waxaa la filayaa in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay kulan la yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya kahor inta aan lasoo xirin Shirweynaha u socda.

Shirkaan Musharaxiinta iyo Beeshs Caalamka ayaa sida uu qorshahu yahay ku qabsoomi doona aada fogaan araga ee loo yaqaano ZOOM-ka, iyagoona kala hadli doona Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay  Beesha Caalamka u gudbin doonaan cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul Goboleed ee dhawaan la magacaabay.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Maanta kulan gaar ha la qaadan doona Ganacsatada oo qeyb ka ah kulamadii caadiga ahaa ee ay la yeelanayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaas kadib Shirka Musharaxiinta oo ayaa lasoo gaba-geyn doonaa Maanta oo tallaado ah, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories