HomeWararMaxay Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia kala hadleen Beesha Caalamka?

Maxay Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia kala hadleen Beesha Caalamka?

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii 4-aad shirweyne u socda ayaa gelinkii dambe ee Maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kaasi oo ku qabsoomay aalada fogaan araga ah ee loo yaqaano ZOOM-ka. Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya iyo walaaca darran ay ka qabaan Guddiyada heer […]

- Advertisement -

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii 4-aad shirweyne u socda ayaa gelinkii dambe ee Maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kaasi oo ku qabsoomay aalada fogaan araga ah ee loo yaqaano ZOOM-ka.

Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya iyo walaaca darran ay ka qabaan Guddiyada heer federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay.

- Advertisement -

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka u sheegay inay ka welwel weyn ka qabaan Doorashada, isla markaana arrintaas ay kala hadli doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa Wakiilada ay kulanka la yeesheen u gudbiyay caqabadaha ku hor gudban doorasho hufan oo dalka ka dhacda, iyagoo dhankooda Wakiilada Beesha Caalamka ka garaabeen mugdiga hareeyay Guddiyadii ee dhawaan la magacaabay.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ay sheegeen inay ka walwalsan yihiin inuu yimaado gacan ka hadal oo ka dhasha Doorashada, isla markaana waxaa Beesha Caalamka si cad ugu sheegeen in marnaba aysan aqbali karin in Guddiyada lagu daro nabadsugid, arrintaasina ay kala hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

- Advertisement -

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli uga socda shirweyne galay maalintii afaraad, waxaana lagu waday in Maanta lasoo gaba-gabeeyo, hayeeshee waxaa la shaaciyay in maalinta berri ah lasoo gaba-gabeyn doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories