HomeWararMaxay ka wada hadleen Farmaajo iyo wafdi ka socday Itoobiya oo yimid...

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo wafdi ka socday Itoobiya oo yimid Muqdisho?

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminaayay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya Gedu Andargacho. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada dalka. Madaxweyne Maxamed […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminaayay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya Gedu Andargacho.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar la qaatay wafdiga uu hoggaaminayay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dowladda Itoobiya Gedu Andargacho, iyagoona ka wada hadlay dagaalka ka socda Itoobiya gaar ahaan Gobolka Tigree-ga.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo La taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ay isdhaafsandeen waxyaabo kala duwan sida howlgalka sharci fulinta ee Itoobiya ka wado waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la tilmaamay inuu taageero u muujiyay dagaalka dowladda Itoobiya ay kula jiro Ismaamulka Tigree-ga, isagoona Madaxweynaha taageeray howlgalkaas oo geystay khasaaro lixaad leh.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya oo ku saabsan wadahadalka dhexmaray wafdiga ka socday dowladda Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya iyo taageerada uu Farmaajo u muujiyay dagaalka socda.

Dowladda Itoobiya ayaa horey wufuud kala duwan ugu dirtay dalka Suudaan iyo Kenya, kuwaasi oo Madaxda dalalkaas kala hadlay dagaalka Itoobiya ay kula jirto Ismaamulka Tigree-ga, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories