HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir?

Maxaa looga hadlay Shirka todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir?

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xarunta dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo horumarinta Caasimadda. Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo xubnaha maamulka Gobolka. Kulanka ayaa inta uu […]

- Advertisement -

Xarunta dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo horumarinta Caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo xubnaha maamulka Gobolka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen kubcinta dhaqaalaha, sugida amniga Caasimadda, Nadaafada, Canshuuraha iyo Caafimaadka iyo dardargelinta Horumarinta Caasimadda.

Sidoo kale Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa ka hadlay dib-udhiska wadooyinka, xoojinta howlgalada Nadaafad ee ka socda waddooyinka Caasimadda, kadib markii laga qaaday biyihii roobabkii ka da’ay Magaalada iyo arimakale oo quseeya horumarinta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday fulinta amar  kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen  Rooble, kaasi oo ahaa in waddooyinka laga qaado biyo badan oo yaallay, kuwaasi oo maristooda gaadiidka iyo dadka shacab ah ay dhibaato xoogan ku qabeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories