HomeWararMaamulka G/Banaadir oo Digniin kasoo saaray qalqal-gelinta amniga Muqdisho

Maamulka G/Banaadir oo Digniin kasoo saaray qalqal-gelinta amniga Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo tallaado ah ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo tartanka adeg ay Musharaxiinta u geli doonaan Doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya Doorashada inuu u furan yahay inuu kusoo bandhigto Magaalada Muqdisho ololihiisa Doorashada, isla markaana Musharaxiinta ay […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo tallaado ah ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo tartanka adeg ay Musharaxiinta u geli doonaan Doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya Doorashada inuu u furan yahay inuu kusoo bandhigto Magaalada Muqdisho ololihiisa Doorashada, isla markaana Musharaxiinta ay waddooyinka ku dhagsan karaan Boorarkooda.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka ayuu Afhyeen Salaax Xasan Cumar Saalax Dheere sheegay in uusan wax shuruud ah ku xiri dooni Musharaxiinta ololahooda iyo aragtidooda ku aadan Doorashada kusoo bandhigaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Saalax Dheere ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka uusan marnaba aqbali doonin in Caasimadda laga abuuro xaalad siyaasadeed oo sababi karta qalalaasi, wuxuuna ka digay Musharaxiinta inay sameeyaan wax kasta oo keeni kara amni darro.

Afhayeenka Maamulka ayaa Carabka ku dhuftay in lala xisaabtami doono cidkaste oo isku dayda in ay qalqal galiso amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho ama abuurta falal la xariira xasiloonidaro.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa  sheegay inay ay ka go’an tahay sidii Muqdisho u marti gelin laheyn doorashooyinka ka dhacaya, isagoo xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor oo si nabad ah ku dhacda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories