HomeWararKhasaaraha ka dhashay Askari qoyskiisa ku Qarxiyay Muqdisho oo kordhay

Khasaaraha ka dhashay Askari qoyskiisa ku Qarxiyay Muqdisho oo kordhay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Bam ku qarxiyay qoyskiisa, xili ay ku sugnaayen Gurigooda ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga markii horey isaga oo sarqaasan uu galay guriga, kadibna uu muran xoogan […]

- Advertisement -

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Bam ku qarxiyay qoyskiisa, xili ay ku sugnaayen Gurigooda ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga markii horey isaga oo sarqaasan uu galay guriga, kadibna uu muran xoogan soo kala dhex-galay isaga iyo qoyskiisa oo ku sugnaa hal  Qol, wuxuuna kadib ku qarxiyay Bam gacmeed uu watay.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray qoyska Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda oo deganaa Guri ku yaalla xaafadda Cali Kamiin ah ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka.

Ugu yaraan 4 ruux oo ay ku jirtay hooyada dhashay Askariga falkaas geystay ayaa ku geeriyooday goobta uuna kamid ahaa wiil uu isaga dhalay, waxaana qaraxa ku dhaawacmay 9 qof oo isugu jiray wallaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo qoyska ka tirsanaa.

Dad deris lahaa qoyska ay dhibaatada gaartay ayaa tegay Guriga, iyagoona gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas, isla markaana waxaa dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda ee falkaas geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye uu ku dhaawacmay qaraxii uu geystay, waxaana gacanta ku dhigay laamaha amniga isaga oo dhaawac ah.

Dhacdadaan ayaa xanuun badan ku reebtay dadkii deriska la ahaa qoyska ay dhibaatada gaartay, isla markaana dadka deegaanka xaafadda Cali Kamiin warbaahinta la hadlay  ayaa u sheegay in falkaas ay aad uga naxeen markii uu dhacay.

Askari ka tirsnaa Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey sidaan oo kale weerar loo adeegsaday rasaas xoogan uu ku furay qoys uu gabar ka qabay, kuwaasi deganaa duleedka Muqdisho, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories