HomeWararJubbaland iyo Puntland oo aqbalay Dalabkii uga yimid Musharaxiinta Madaxweynaha

Jubbaland iyo Puntland oo aqbalay Dalabkii uga yimid Musharaxiinta Madaxweynaha

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay aqbaleen dalabkii maalin kahor uga yimid Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweynaha. Xubno ku dhow Madaxtooyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha labada maamul ay Isbedel ku sameeyn doonaan Guddiyada doorashooyinka oo ay magacaabeen, […]

- Advertisement -

Warar kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay aqbaleen dalabkii maalin kahor uga yimid Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweynaha.

Xubno ku dhow Madaxtooyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha labada maamul ay Isbedel ku sameeyn doonaan Guddiyada doorashooyinka oo ay magacaabeen, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan xafiisyadooda.

- Advertisement -

Madaxda labada maamul ayaa haatan qorsheynaya inay Isbedel dhab ah ku sameeyaan Guddiyada doorashooyinka ee ku metelaya Guddiyada doorashooyinka 2020/2021, kadib markii Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ay dalab u  gudbiyeen, kaasi oo ahaa in la bedelo guddiyada ay magacaabeen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in xubnaha afarta ee Puntland iyo Jubbaland ay u soo magaceebeen Guddiga doorashada heer Federaal ayaa waxaa ku jira xubno xilal haya, sida Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland iyo Hantidhowrka Guud ee Jubbaland.

Musharaxiinta u taagan qabashada  xilka Madaxweynaha ayaa wada qorshe ka dhan ah Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, iyagoona shirweyne uga socda Caasimadda dalka Muqdisho oo ay uga hadlayaan Doorashada, sidoo kalena walaac xoogan ka qaba Guddiyada Doorashooyinka oo ay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories