HomeWararIsrasaaseyn Caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Israsaaseyn Caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Fiidnimadii Caawa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay waxaa ay ku dhexmartay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in mar qura laga war helay Israsaaseyn xoogan oo dhexmareysa Ciidamo Boolis ah oo ka wada tirsan dowladda, isla markaana uu kahad galay isku […]

- Advertisement -

Fiidnimadii Caawa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay waxaa ay ku dhexmartay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in mar qura laga war helay Israsaaseyn xoogan oo dhexmareysa Ciidamo Boolis ah oo ka wada tirsan dowladda, isla markaana uu kahad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska ka jiray.

- Advertisement -

Isku dhaca Ciidamada ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamo Boolis oo bar koontarool ku leh Isgoyska Sanca dhinaca xiga beexaani ay rasaas ku fureen gaari ay qaad ku wateen Ciidamo, kaasi oo isku dayay inuu xoog ku maro halkaas, sidaasina ay rasaas ku bilaabatay.

Intaas kadib Ciidankii la socday gaariga qaadka siday ayaa dhowr xabadood oo Jawaab ah isaga furay Ciidankii marka hore rasaasta ku bilaabay, iyagoona kadib isaga tegay goobta, aadayna dhinaca degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa buux-dhaafiyay Sanco, waxaana muddo oo hakad ku jiray dhaq-dhaqaaqii Isgoyska uu markii dambe dib u soo laabtay, iyadoo xiligaan xaalad ay degan tahay.

- Advertisement -

Ma jiro khasaaro ka dhashay Israsaaseyntii Caawa ka dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka, waxaana horey sidaan oo Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho uga dhacday Israsaaseyn dhexmartay Ciidanka, kuwaasi oo qaaarkood geystay khasaaro kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories