HomeWararIlhaan Cumar oo la dalbaday in loo magacaabo xil Wasiir oo muhiim...

Ilhaan Cumar oo la dalbaday in loo magacaabo xil Wasiir oo muhiim ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Baraha Bulshada, gaar ahaan Twitterka ayaa si weyn u hadal haya sheeko ku saabsan in dad ay ka mid tahay Ilhaan Cumar lagu soo daro golaha Wasiirrada ee Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden. Siyaasiyiinta ay dadkan dalbanayaan in xukuumadda lagu daro ayey ka dhex muuqataa Ilhaan, iyagoo ku baaqaya in […]

- Advertisement -

Qaar ka mid ah dadka isticmaala Baraha Bulshada, gaar ahaan Twitterka ayaa si weyn u hadal haya sheeko ku saabsan in dad ay ka mid tahay Ilhaan Cumar lagu soo daro golaha Wasiirrada ee Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Siyaasiyiinta ay dadkan dalbanayaan in xukuumadda lagu daro ayey ka dhex muuqataa Ilhaan, iyagoo ku baaqaya in laga dhigo Wasiirka Amniga Gudaha ee dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Markii ugu horreysay waxa uu mowduucan ka billowday qoraal ay Alexandria Ocasio-Cortez, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Qoraalkaas ayey xildhibaanaddan ka tirsan Xisbia Dimuqraaddiga dadka ku weydiisay cidda ay ku riyoonayaan in lagu soo daro golaha wasiirrada ee cusub.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa aad la isula dhex marayay magacyada dadka lala jeclaan lahaa xilalka sar sare ee dowladda uu garwadeenka ka noqon doono Joe Biden. Dabcan dadka ugu badan ee ololahan wada waa taageerayaasha Dimuqraaddiga iyo madaxweynaha la doortay.

- Advertisement -

Hase yeeshee ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu soo hadal qaaday in Ilhaan loo magacaabayo xil wasiirnimo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories