HomeWararHirshabeelle oo shaacisay inay xalineyso cabashooyinkii ka dhashay Doorashada

Hirshabeelle oo shaacisay inay xalineyso cabashooyinkii ka dhashay Doorashada

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara. Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladdda ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladdda ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool.

- Advertisement -

“Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories