HomeWararFaah faahin:-Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo la dilay

Faah faahin:-Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo la dilay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysan Bastoolad oo saacadihii lasoo dhaafay Nin Odey ahaa ku  dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninka la toogtay xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceelasha, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysan Bastoolad oo saacadihii lasoo dhaafay Nin Odey ahaa ku  dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninka la toogtay xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Ceelasha, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, waxaana halkaas ka baxsaday ragii hubeysnaa.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka ninka la toogtay, waxaana la sheegay in muddo inuu yaallay goobta.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barhooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilkaas loo geystay Ninka ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay Ninka uu mid kamid ah ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kasoo doortay dhinaca dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoona magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Baashe.

- Advertisement -

Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey dilal loo geystay qaar kamid Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories