HomeWararDagaal ka socda degaan ka tirsan Hiiraan iyo faah faahin laga helay

Dagaal ka socda degaan ka tirsan Hiiraan iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan, waxaana uu bilowday Casirliiqii galabta, iyadoona la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan, waxaana uu bilowday Casirliiqii galabta, iyadoona la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dagaalkaan ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira baraago biyo laga cabo oo dhawaan xal laga gaaray, isla markaana heshiis la dhex dhigay maleeshiyaad uu dagaalka u dhexeeyo, balse mar qura laga war helay rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay soo werinayaan in xaalad kacsanaan ah halkaas ay ka jirto.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories