HomeWararBooliska Dowladda oo War kasoo saaray gaadiid lagu gubay Koonfur Galbeed

Booliska Dowladda oo War kasoo saaray gaadiid lagu gubay Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo xalay lagu gubay deegaan ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in 7 gaadiid oo ah kuwa xamuulka la gubay, isla markaana u rarnaa dad shacab ah, xili ay […]

- Advertisement -

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo xalay lagu gubay deegaan ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in 7 gaadiid oo ah kuwa xamuulka la gubay, isla markaana u rarnaa dad shacab ah, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka lagu magacaabo Emed Kooreey ee Bakool, iyagoo kusoo baxay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa sheegay in gaadiidkaas ay gubeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kadibna ay baxsadeen, waxaana gaadiidkaas uu kusii jeeday degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

“Abaare 08:00 fiidnimo Al-shabaab waxaa ay ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.

Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ma shaacin khasaaro ka dhashay gaadiidkaas la gubay oo la gaarsiiyay Darawaladii waday, hayeeshee Booliska ayaa ka hadlay oo kaliya in 7 gaadiid ah la gubay.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa horey dhowr jeer u gubay gaadiid badan oo siday dhuxul, xili ay ku socdaalayeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe, waxaana gaadiidkaas lahaa Ganacsato Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories