HomeWararXal hordhac ah oo laga gaaray abaabul ka dhan ah Hirshabeelle oo...

Xal hordhac ah oo laga gaaray abaabul ka dhan ah Hirshabeelle oo socday

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa si hordhac ah ugu guuleystay inay xaliyaan abaabul ka dhan ah dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas. Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu weliyo Taliyaha NISA ee Gobolka Hiiraan Colaad Cabdullaahi Dalabeey ayaa ku guuleystay inay xaliyaan Saraakiil hore oo ka […]

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa si hordhac ah ugu guuleystay inay xaliyaan abaabul ka dhan ah dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.

Guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu weliyo Taliyaha NISA ee Gobolka Hiiraan Colaad Cabdullaahi Dalabeey ayaa ku guuleystay inay xaliyaan Saraakiil hore oo ka tirsan dowladda Federaalka oo deegaanka Ceelgaal ka waday abaabul Ciidamo hubeysan oo maleeshiyaad ah.

- Advertisement -

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Ceelgaal kulan dhowr saacadood socday kula qaatay halkaas Saraakiisha Ciidanka oo la tilmaamay inay siweyn uga soo horjeedan dhismaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle , ayna wadeen qorshe ka dhan ah maamulka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka uu Saraakiisha hore ee Ciidanka ee  waday abaabulka Ciidamo Maleeshiyaad ah uu ku qanciyay in wax kasta oo tabasho ah ay qabaan lagu xalinayo si wada-hadal, isla markaana la kulmayan Madaxda maamulka.

Ugu dambeyn Maleeshiyaadkii lagu uruurinayay deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Baladweyne ayaa la xusay in halkaas laga qaaday, waxaana haatan halkaas ku sugan Ciidamo  ka tirsan kuwa dowladda Federaalka, si ay u sugaan amniga.

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-gabeed ayaa  sheegay inay xalin doonaan tabasho kasta oo ka dhalatay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar iyo dhismaha Maamulka Cusub.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories