HomeWararWasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa saakay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soo gaaray Wasiirka Cusub ee Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo dhawaan loo magacaabay xilkaas. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirka Cusub uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo u horreeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo […]

- Advertisement -

Waxaa saakay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soo gaaray Wasiirka Cusub ee Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo dhawaan loo magacaabay xilkaas.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirka Cusub uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo u horreeyay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo diblomaasiyiin kale.

- Advertisement -

Wasiir Cawad oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta ay soo dhaweeynaya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo khamiistii lasoo dhaafay uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maalmaha soo socda ayuu si rasmi ah xilka ula wareegi doonaa Wasiir Maxamed Cabdirisaaq, isagoona bedelaya Axmed Ciise Cawad oo ahaa Wasiirkii Arrimaha dibadda Xukuumadda horeyna uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wasiir Cawad u magacaabay Safiir, hayeeshee Qoraal uu soo saaray Wasiir hore Cawad ayuu ku diiday xilkaas loo magacaabay oo aan la shaacin waddanka uu ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories