HomeWararWasaaradda Amniga Galmduug oo marti galisay Shir muhiim ah

Wasaaradda Amniga Galmduug oo marti galisay Shir muhiim ah

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmduug ayaa martigelisay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen; Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabargoynta Miinooyonka (UNMAS), Agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda Hey’adda Halo Trust ee ka hawgasha Galmudug iyo Hey’adda Maareynta Miinooyinka iyo walxaha qarxa ee Dawladda […]

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmduug ayaa martigelisay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen; Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabargoynta Miinooyonka (UNMAS), Agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda Hey’adda Halo Trust ee ka hawgasha Galmudug iyo Hey’adda Maareynta Miinooyinka iyo walxaha qarxa ee Dawladda Galmudug kaasoo ka dhacay caasimada Galmudug.

Shirkan ballaaran ayaa yimid ka dib markii wasaaradda amniga Galmudug ay qorshahayaasheeda mudnaanta koowaad leh ka mid dhigtay sidii wax looga qaban lahaa khatarta miinooyinka iyo haraadigii ka haray hubkii hore oo deegaano badan oo Galmudug ah weli halis ku haya.

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga iyo hey’adahaas kala duwan ayaa si qoto dheer uga wada hadlay islana gartay qorshayaasha dhow ee miino saarista iyo ka hortagga khataraha walxaha qarxa ay deegaano badan oo Galmudug ay ku hayaan iyo In la furo wadooyinja miino awgeed u xirnaa mudooyin dhaadheer, iyo in hawlaha Galmudug laga qabanayo saldhig looga dhigo talada iyo qorshaha wasaaradda Amniga gudaha.

Wasiirka Amniga oo Shirka gudoominayey  ayaa u mahadceliyey hey’adaha kala duwan oo iska kaashada hawlaha miino saarista ee ka socda Galmudug, asagoo adkeeyey muhimada ay leedahay iskaashi qorshaysan oo dhexmara hey’adahaas iyo In wasaaraddu ay noqoto udub dhexaadka isku xiraya hey’adahaas sla markaana looga danbaynayo soo gudbinta sida Galmudug looga hawlgalayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories