HomeWararTaabit Cabdi “Shacabku ma xamili karaan fadqalado iyo awood isku baacsasho”

Taabit Cabdi “Shacabku ma xamili karaan fadqalado iyo awood isku baacsasho”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi maxamed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay  dib isugu laabto oo ay saxaan qaladaadka dastuuriga ah ee Guddiga doorashada, muujiyaanna daah furnaan. Waxaa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ay baahan tahay aragti qaran oo ku dhisan tanaasul iyo rajogelin. Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saaray Duqii […]

- Advertisement -

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi maxamed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay  dib isugu laabto oo ay saxaan qaladaadka dastuuriga ah ee Guddiga doorashada, muujiyaanna daah furnaan.

Waxaa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ay baahan tahay aragti qaran oo ku dhisan tanaasul iyo rajogelin.

- Advertisement -

Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saaray Duqii hore ee Muqdisho

Dadka Soomaaliyeed waxa ay maanta heystaan muraayad yar oo aan meel siman saarneyn. Haddii qof damco in kaligii isku eego muraayadda yar ee malaayiinta ka dhaxeysa waa mid dhibkeeda leh, waxaase ka sii daran haddii la yiraahdo gacanta hala dhufto si looga dhigo.

Sidaa darteed, aayaha ummadda Soomaaliyeed ayaa ku xiran in hoggaanka dalka dib isugu laabto oo ay saxaan qaladaadka dastuuriga ah ee Guddiga doorashada, muujiyaanna daah furnaan.

- Advertisement -

Soomaaliya, dowlad iyo shacab-ba ma xamili karaan fadqalado iyo awood isku baacsasho balse, waxa ay u baahan tahay aragti qaran oo ku dhisan tanaasul iyo rajogelin ummadeed oo aan ku dabraneyn caqabaddaha maanta.

Ugu dambeyn, waa in laga fogaadaa adeegsiga awood, cunfi iyo colaad hurin, mar kastana hortabinta la siiyaa in dooddaha lagu maareeyo xeyndaabka dowladnimada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories