HomeWararShirkii Musharaxiinta oo lasoo gaba-gabeynayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Shirkii Musharaxiinta oo lasoo gaba-gabeynayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirweye labadii maalin ee lasoo dhaafay u socday Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo Ajendayaal kale oo Musharaxiinta […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirweye labadii maalin ee lasoo dhaafay u socday Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo Ajendayaal kale oo Musharaxiinta gaar u ahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ku biiray Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Odayaasha dhaqanka iyo Culimadda Soomaaliyeed, iyagoona Musharaxiinta kala hadlay Doorashada.

Musharaxiinta oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu baaqay inay Isbedel ku sameeyaan Guddiyada doorashooyinka ay magacaabeen oo lagu tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan xafiisyadooda.

Dhinaca kale Culimadda Soomaaliyeed ayaa dhankooda Qoraal soo saaray ayaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee uu socdo shirka iyo Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in khilaafyada ka dhex-jiar jira lagu dhammeyo wada-hadal, si ay u dhacdo doorasho xor oo loo dhan yahay.

- Advertisement -

Shirka Musharaxiinta oo Maanta sida uu qorshahu yahay lasoo gaba-gabeyn doono ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.

Si kastaba Musharaxiinta ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Doorashooyinka ee heer federal iyo heer maamul Goboleed oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta shirka ka qeyb galaya ayaa kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed,  Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali, Mustaf Dhuxulow iyo Musharaxiin kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories