HomeWararRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kulamo ka wada Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kulamo ka wada Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan nabadeynta isku xirka bulshada. Eng. Rooble ayaa dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan nabadeynta isku xirka bulshada.

Eng. Rooble ayaa dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deegaannadan oo ah bulsho caan ku ah nabadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoo u soo dhabar adayggay wax u qabashada dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha xaaladaha guud ee deegaannadan iyo duruufaha u baahan in dowladdu ay wax kala qabato.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories