HomeWararPuntland oo kulan Deg-deg ka leh xaaladda ka dhalatay Duufaano iyo roobab

Puntland oo kulan Deg-deg ka leh xaaladda ka dhalatay Duufaano iyo roobab

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa xiligaan Shir deg deg uu uga socdaa Golaha Wasiirada Maamulkaas, waxaana shir Guddoominaya Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Shirkan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda ka dhalatay duufaano iyo roobab xoogan oo dabeylo wata oo ku dhuftay deegaano dhowr ah oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa xiligaan Shir deg deg uu uga socdaa Golaha Wasiirada Maamulkaas, waxaana shir Guddoominaya Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirkan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda ka dhalatay duufaano iyo roobab xoogan oo dabeylo wata oo ku dhuftay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa ku teedsan xeebta.

- Advertisement -

Roobab xoogan oo mahiigaan ayaa saacdihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ay deegaanada Gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu ee Puntland, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.

Ugu yaraan 8 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeryooday duufaanta, isla markaana waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dad dhowr ah una badan xoolo dhaqato, xili ay ku sugnaayeen guryahooda oo ka sameeysan jiingado.

Sidoo kale duufaanta Roobka ayaa waxaa ay dumisay guryo dhowr ah oo ay ka qaaday saqafyada kore, kuwaasi oo qaarkood ka dhisnaa dhagax shub ah, waxaana Jawiga Xaafuun uu yahay weli mid roobab ay ka da’ayaan.

- Advertisement -

Waxaa Go’an Isgaarsiintii ka jirtay Xaafuun iyo deegaano kale oo hoostega degmadaas, kadib markii dabeysha ay siibtay antooyinkii Isgaarsiinta, waxaana adeg in xog dheeraad ah laga helo halkaas, balse dad ku dhow halkaas ayaa warbaahinta xoga u soo tabenaya.

Dhinaca kale Magaalada Boosaaso ayaa waxaa da’ay roobab xoogan oo sababay inay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas ka jaranto korontada, kadib markii dabeyl xoogan siibtay baalayaasha korontada, sida lagu arkayay sawirro laga soo qaaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories