HomeWararPuntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Duufaanta iyo roobabka

Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Duufaanta iyo roobabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xirsi Timacadde ayaa faah faahin ka bixiyay khasaraha ka dhashay duufaano iyo roobab xoogan oo dabeylo watay oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland. Wasiir Cali Timacadde oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in duufaanta au siwey ugu dhufatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xirsi Timacadde ayaa faah faahin ka bixiyay khasaraha ka dhashay duufaano iyo roobab xoogan oo dabeylo watay oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiir Cali Timacadde oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in duufaanta au siwey ugu dhufatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Karkaar iyo Gardafu, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

- Advertisement -

Wasiika ayaa 7 qof Yemeniyiin ah ayaa ku geeryoodeen duufaanta, kuwaasi oo ku sugnaa degmada xaafuun ee karkaar, badana ay la tegtay 6 doomo oo badda ku xirnaa, bale markii dambe ay doomaha soo caariyeen.

Sidoo kale Wasiir Timacadde ayaa tilmaamay in badda lagu la’yahay kalluumeysto isugu jiray Soomaali ah iyo Ajaanib, isla markaana haatan la baadi goobayo uuna sodo gurmad kala duwan, isagoona xusay in Isgaarsiinta ay ka go’an tahay Karkaar iyo Gardafu.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Puntland ayuu sheegay in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari in ka badan 24-saac oo xiriir ah uu ka da’ayo roobab xoogan oo biyo badan dhigay Magaalada, uuna  hakad ku jiro isku socodka gaadiidka.

- Advertisement -

Waxaa kaloo Wasiirka uu Carabka ku dhuftay in roobabka iyo dabeysha la tageen xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalena uu burburiyay beero ay ku yaalle dalagyo sanadkaan la abuuray.

Shacabka iyo Ganacsatada Puntland ayuu Wasiir Timacadde ugu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan dadkii ay musiibada ku dhacday, isla markaan Maamulka uu arrintaas isha ku haayay gurmadna loo fidin doono dadkii dhiibaatada gaartay.

Si kastaba Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Digniino uga soo saaray duufaanta iyo roobabka xoogan ee ka da’aya deegaano ka tirsan Puntland, waxaana dabeyshu ay tahay mid ku socota xawaare sare oo burburisay guryo dhowr ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories