HomeWararPuntland oo Hay’ad Caalami ah kala hadashay xaaladdo adeg oo ka jira...

Puntland oo Hay’ad Caalami ah kala hadashay xaaladdo adeg oo ka jira Gobolo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa intii socday waxaa looga hadlay Arrimaha bini’aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay xeebaha Gobolo ka tirsan Puntland iyo sidii […]

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa UNOCHA ee Puntland Thomas Nyambane iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa intii socday waxaa looga hadlay Arrimaha bini’aadantinimo oo ay ugu horeyso xaaladda ka dhalatay duufaantii saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay xeebaha Gobolo ka tirsan Puntland iyo sidii ay UNOCHA.

- Advertisement -

Axmed Karaash Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa Madaxa UNOCHA kala hadlay sidii hay’addaha kale ay wadashaqeyn ula yeelan lahaayeen guddigii Puntland u magacaawday xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI.

7 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaanta ku dhufatay degmada xaafuun ee Gobolka karkaar ee Puntland, badana ay la tegtay 6 doomo oo badda ku xirnaa, waxaana duufaanta ku burburay guryo dhowr ah oo ku yaallay halkaas, iyadoona ay weli go’an tahay Isgaarsiintii Gobolada karkaar iyo Gardafuu.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari in ka badan 24-saac oo xiriir ah uu ka da’ayo roobab xoogan oo biyo badan dhigay Magaalada, uuna  hakad ku jiro isku socodka gaadiidka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories