HomeWararMadaxweynaha K/Galbeed oo kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Somalia

Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la yeeshay Safiirka Qatar ee Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Qatar Hasan Bin Xamza Asad, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan. […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Qatar Hasan Bin Xamza Asad, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.

- Advertisement -

Kulanka ayaa looga hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed ee isugu jira amniga, Mashaariic horumarineed iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sandkaan 2020/2021.

Qatar ayaa horey Mashaariic kala duwan uga fulisay Magaalada Baydhabo, waxaana kamid ahaa Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories