HomeWararKoronto la’aan Maanta ka jirta Boosaaso iyo goobaha Ganacsiga oo xiran

Koronto la’aan Maanta ka jirta Boosaaso iyo goobaha Ganacsiga oo xiran

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa ka da’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasi oo watay dabeylo xoogan, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo. Roobka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gaaray waaberigii hore ee saakay, waxaana ku diirsan dadka iyo duunyada Boosaaso, isla markaana […]

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa ka da’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasi oo watay dabeylo xoogan, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo.

Roobka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gaaray waaberigii hore ee saakay, waxaana ku diirsan dadka iyo duunyada Boosaaso, isla markaana waxaa uu saameyn ballaaran roobka ku yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Buuro iyo toggaga ku dhow Boosaaso ayaa waxaa kasoo rogmaday biyo farabadan oo ah roobkii da’ay, kuwaasi oo kusoo fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada oo weli ay dhex ceegaagan guryo ku yaalla halkaas.

Sidoo kale dabeysha la socotay roobka ayaa dhulka ka siibtay baalayaashii Shirkaddaha korontada ee Boosaaso, waxaana saaka korontada ay ka maqan tahay xaafadaha qaarkood ee Magaalada, iyadoona loo jaray sababo la xiriira roobka oo xoogan.

Waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsiga Magaalada, maadaama uusan jirin isku socodka dadka iyo gaadiidka oo hakad u galay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay Puntland.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa Maanta go’an isku socodka gaadiidka ee wadada aadka u muhiimsan ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe, kadib markii qeybo badan oo kamid ah wadada ay ka gooyeen biyo badan oo kusoo rogmaday,

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar ayaa waxaa siweyn uga da’ay roobab dabeylo xoogan watay oo sababay khasaaro siugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, sidoo kalena weli la la’yahay doonyo badda xaafuun ku xirnaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories