HomeWararKhasaaro ka dhashay Roobab xoogan oo dabeylo watay oo ka da’ay Puntland

Khasaaro ka dhashay Roobab xoogan oo dabeylo watay oo ka da’ay Puntland

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Roobab xoogan oo dabeylo watay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland gaar ahaan kuwo ku teedsan xeebta, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Roobabka ay siweyn uga da’ay inta badan deegaanada Gobolka Karkaar ee Puntland, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo […]

- Advertisement -

Roobab xoogan oo dabeylo watay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland gaar ahaan kuwo ku teedsan xeebta, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Roobabka ay siweyn uga da’ay inta badan deegaanada Gobolka Karkaar ee Puntland, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo soo gaaray guryo.

- Advertisement -

Ugu yaraan laba ruux oo kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday roobabka, halka 4 qof kalena oo kamid ahaa dadka deegaanka Xaafuun ay dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana burburay guryo ku yaalla halkaas oo dabeysha burburisay.

Sawirro laga soo qaaday guryaha oo intooba badan ahaa kuwo ka dhisan dhagax ayaa la arkayay, iyagoona saqafyada kore dabeysha ka qaaday, isla markaana waxaa sidoo kale dabeysha dumisay taawaradii shirkaddaha Isgaarsiinta, iyadoona gebi ahaan Isgaarsiintii Xaafuun ay Go’day.

Dhinaca kale waxaa laga baracakay deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda oo kacday, kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan oo horey digniin looga soo saaray.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dabeysha ay la tegtay doonyo xiligaas badda ku xirnaa, waxaana socda baabi goob loogu jiro sidii loo heli lahaa, in kastoo weli ay da’ayaan roobab xoogan oo mahiigaan ah.

Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Digniino kala duwan uga soo saaray roobabka dabeysha watay ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa teedsan xeebta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories