HomeWararShirkii u socday Musharaxiinta Madaxweynah oo lagu daray waqti dheeraad ah

Shirkii u socday Musharaxiinta Madaxweynah oo lagu daray waqti dheeraad ah

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo Shirkii Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee labadii maalin ee lasoo dhaafay uga socday Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in shirka Musharaxiinta lagu daray waqti dheeraad ah, isla markaana kasoo qeyb geli doonaan […]

- Advertisement -

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo Shirkii Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee labadii maalin ee lasoo dhaafay uga socday Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegaya in shirka Musharaxiinta lagu daray waqti dheeraad ah, isla markaana kasoo qeyb geli doonaan Siyaasiyiin iyo xubno kale oo Musharaxiinta dhambaal u direen.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiraya Shirka Musharaxiinta iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo kasoo horjeeda Guddiyada Doorashada ee la magacaabay.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021, kadib markii heshiis rasmi ah laga gaaray Doorashada.

Shalay ayaa waxaa Shirka Musharaxiinta ku biiray Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Odayaasha dhaqanka iyo Culimadda Soomaaliyeed, waxaana shirkaas la filayaa in maalinta berri oo tallaado ah lasoo gaba-gabeeyo, sida uu qurshahu yahay.

- Advertisement -

Warbaahinta ayaa Maanta dib joog ka ah oo loo diiday inay tebiso shirka Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories