HomeWararGuddi loo magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaantii khasaaraha geysatay

Guddi loo magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaantii khasaaraha geysatay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland. Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:- 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye). 2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka […]

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland.

Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:-

- Advertisement -

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).

2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).

3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).

- Advertisement -

4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).

5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).

6-Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).

7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).

8- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).

9- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).

10- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).

11- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay’ada HADMA (Xoghayn).

7 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyooday duufaanta ku dhufatay degmada xaafuun ee Gobolka karkaar ee Puntland, badana ay la tegtay 6 doomo oo badda ku xirnaa, waxaana duufaanta ku burburay guryo dhowr ah oo ku yaallay halkaas, iyadoona ay weli go’an tahay Isgaarsiintii Gobolada karkaar iyo Gardafuu.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories