HomeWararGolaha ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia

Golaha ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 23-ka bishaan November 2020 waxaa ay kulan aan caadi aheyn ka yeelan doonaan xaaladda Soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacaya Magaalada New York, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 23-ka bishaan November 2020 waxaa ay kulan aan caadi aheyn ka yeelan doonaan xaaladda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacaya Magaalada New York, waxaana ka qeyb-galaya Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah.

- Advertisement -

Kulankaan ay yeelanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa sida uu qurshahu yahay waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin ammaanka iyo Doorashada dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka Golaha Ammaanka ayaaa si gaar ah u falanqeyn doono sida looga gudbi karo caqabadaha haatan hortaagan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka oo horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen.

Golaha ammaanka kulanka ay ka yeelanayaan Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili siweyn Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ay uga soo horjeedan Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ee la magacaabay, iyagoona Musharaxiinta maalintii saddexaad shirweyn xasaasi ah uga socda Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories