HomeWararFaaf faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faaf faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Caawa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxa. Wararku waxaa ay sheegayaan in Guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta Nabadda uu ka dhacay Qaraxa Khaasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay. Guri uu degganaa Askari ka […]

- Advertisement -

Faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Caawa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin ee Degmada Warta Nabadda uu ka dhacay Qaraxa Khaasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay.

- Advertisement -

Guri uu degganaa Askari ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa la sheegay in Qaraxu ka dhacay, kadib markii Bombo uu watay ay ku qaraxday Askariga oo markaasi ku sugnaa hooygiisa, waxaana Dad goobjoogyaaal ah ay sheegeen in Qaraxu uu ka dhacay gudaha guriga iyadoo dadku soo sheegayaan in Bomboda ay ka mid ahayd hubka uu watay Askarigu.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Wiil yar oo uu dhalay Askarigu, waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray hooyadin waxaana macquul ah in Khasaaruhu uu intaa ka badan yahay, iyadoo wararku  intaa ku darayaan in Askariga uu haatan yahay dhaawac.

Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana hadda goobta gaaray Ciidanka Dowladda oo sida la sheegay wada baaritaanno ku aaddan sababaha keenay in ay Qaraxdo Bomada Askariga, kuna Qaraxado gurigiisa.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories