HomeWararCabdi Xaashi iyo Xildhibaano oo ku biiray Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha

Cabdi Xaashi iyo Xildhibaano oo ku biiray Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay Musharaxiinta u sameeysan […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay Musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Golle is-baheysi oo mid ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Shirka Musharaxiinta ayaa waxaa ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaasi oo qaarkood ay kasoo horjeedan Guddiyada Doorashada ay dowladda magacaawday.

Shirkan ayaa la filayay in Maanta oo Isniin ah lasoo gaba-gabeeyo, hayeeshee waqti dheeraad ah ah ayaa lagu daray, isla markaana waxaa la qorsheeyay in Maalinnimada berrito oo tallaabo ah ah lasoo gaba-gabeeyo, lagana soo saaro War-murtiyeed ay ku mideysan yihiin Musharixiintan oo ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa ee 2020/2021.

Warbaahinta ayaa Maanta dib joog ka ah oo loo diiday inay tebiso shirka Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa siweyn uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo dowladda ay magacaawday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories