HomeWararAjaanib hor leh oo ku dhimatay roobab dabeylo wata oo ka da’aya...

Ajaanib hor leh oo ku dhimatay roobab dabeylo wata oo ka da’aya Puntland

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay roobab xoogan oo weli ka da’aya deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sii kordhaya, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay duufaan xoogan. Roobka oo dabeyl watay ayaa siweyn uga da’ay degmo xeebeedka Xaafuun ee Karkaar, isla markaana waxaa uu saameyn ballaaran ku reebay dadka deegaanka […]

- Advertisement -

Khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay roobab xoogan oo weli ka da’aya deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sii kordhaya, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay duufaan xoogan.

Roobka oo dabeyl watay ayaa siweyn uga da’ay degmo xeebeedka Xaafuun ee Karkaar, isla markaana waxaa uu saameyn ballaaran ku reebay dadka deegaanka ee kunool halkaas, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

- Advertisement -

Ugu yaraan 8 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeryooday duufaanta, isla markaana waxaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dad dhowr ah una badan xoolo dhaqalo, xili ay ku sugnaayeen guryahooda oo ka sameeysan jiingado.

Sidoo kale duufaanta Roobka ayaa waxaa ay dumisay guryo dhowr ah oo ay ka qaaday saqafyada kore, kuwaasi oo qaarkood ka dhisnaa dhagax shub ah, waxaana Jawiga Xaafuun uu yahay weli mid roobab ay ka da’ayaan.

Waxaa Go’an Isgaarsiintii ka jirtay Xaafuun iyo deegaano kale oo hoostega degmadaas, kadib markii dabeysha ay siibtay antooyinkii Isgaarsiinta, waxaana adeg in xog dheeraad ah laga helo halkaas, balse dad ku dhow halkaas ayaa warbaahinta xoga u soo tabenaya.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa laga baracakay deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda oo kacday, kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan oo horey digniin looga soo saaray.

Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Digniino kala duwan uga soo saaray roobabka dabeysha watay ee saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa teedsan xeebta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories