HomeWararXukun lagu riday Ninkii lagu Eedeyay kufsi iyo dil loo geystay Ugbaad...

Xukun lagu riday Ninkii lagu Eedeyay kufsi iyo dil loo geystay Ugbaad Cali

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeysay dhageysiga kiiska Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal isugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka. Maxkamadda ayaa 25-kii Octoober 2020  bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u […]

- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah soo gaba-gabeeysay dhageysiga kiiska Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal isugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Maxkamadda ayaa 25-kii Octoober 2020  bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco.

- Advertisement -

Eedeysanaha ayaa Maanta Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana Ninka dib loogu celiyay xabsiga markii hore laamaha amniga ku xireen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kal horey sheegay in si deg deg ah loo fulin doono Go’aanka ay Maxkamadda ka gaarto kiiska Marxuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in Ninka eedeysanahay uu u geystay fal isugu jiray kufsi iyo Dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories