HomeWararPuntland oo mar kale Digniin kasoo saartay roobab Dabeylo wata

Puntland oo mar kale Digniin kasoo saartay roobab Dabeylo wata

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale Maanta soo saartay Digniin ku socota dadka degan deegaanadeeda oo ku aadan roobab xoogan oo dabeylo wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan halkaas. Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Puntland Jaamac Dabaraani ayuu ku sheegay in deegaanada Maamulka ay kusoo wajahan yihiin roobab xoogan oo dabeylo […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale Maanta soo saartay Digniin ku socota dadka degan deegaanadeeda oo ku aadan roobab xoogan oo dabeylo wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan halkaas.

Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Puntland Jaamac Dabaraani ayuu ku sheegay in deegaanada Maamulka ay kusoo wajahan yihiin roobab xoogan oo dabeylo wata gaar ahaan dhulka xeebaha ku teedsan.

- Advertisement -

Dadka degan dhulka hooseeya ayuu Afhayeen Jaamac Dabaraani ugu baaqay inay muujinayaan taxadar dheeraad ah, isla markaana ka fogaadan halkaas ay degan yihiin, si aysan dhibaato uga soo gaarin roobabka.

“Dowladdu waxay Bulshadda ku wargelinaysaa inay taxadar dheeri ah muujiyaan xiligan oo roobab dabaylo wata laga saadaalinayo dhulka xeebaha teedsan ee Puntland. Dadku ha ka fogaadaan dhulka godan, kaluumaysatadu ha muujiso taxadar, waxaan illaahay ka baryaynaa in Roobabku noqdaan kuwo kheyr wata oo alle dadka wax ku yeellin” ayuu yiri Dabaraani.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa horey uga da’ay roobab xoogan oo dabeylo watay, isla markaana sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba, sidoo kalena ay jireen Digniino horey ay soo saartay Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories