HomeWararPuntland oo howlgal qorsheysan ku qabatay hub sharci darro ah

Puntland oo howlgal qorsheysan ku qabatay hub sharci darro ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa gaar ah ee PSF ayaa howlgal qorsheysan xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada BFS. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud, waxaana uu ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga Boosaaso […]

- Advertisement -

Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa gaar ah ee PSF ayaa howlgal qorsheysan xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada BFS.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud, waxaana uu ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga Boosaaso oo mararka qaarkood ayka dhacaan falal amni darro.

- Advertisement -

Inta uu socday howlgalka Ciidanka Booliska ee Puntland ayaa waxaa lagu soo qabtay hub si sharci darro ah loo sitay gudaha Magaalada, kuwaasi oo la geeyay mid kamid ah Saldhigyada Ciidanka amniga.

Ciidanka amniga ayaa sidoo kale baaritaano kala duwan xalay ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka, iyagoona gaadiidka ay ku xiran yihiin miraayaha madow ka fiiqayay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo amni darro keeni kara.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories