HomeWararMuxuu kusoo dhammaaday kulan dhexmaray Qoorqoor iyo Musharaxiinta?

Muxuu kusoo dhammaaday kulan dhexmaray Qoorqoor iyo Musharaxiinta?

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho. Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Qoorqoor la qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoona si gaar ah ugala hadlay Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, una gudbiyay cabashadooda Guddiga […]

- Advertisement -

Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Qoorqoor la qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoona si gaar ah ugala hadlay Guddiyada Doorasho ee uu soo magacaabay, una gudbiyay cabashadooda Guddiga doorashada ee Galmudug oo la sheegay inay ku jiraan xubno nabadsugida ka tirsan.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Dalsan u sheegay in Madaxweyne Qoorqoor ay Musharaxiinta ka dalbdeen in isbedel uu ku sameeyo Guddiyada uu magacaabay, walaacna ay ka muujiyeen Guddigaas inay maamulan Doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu Musharaxiinta u sheegay in xubnaha Guddiga ee uu magacaabay ay yihiin rag ka tirsanaa xafiisyadooda lana soo xulay, isla markaana aysan ku jirin xubno gooni ah, ayna muhiim tahaya  in isaga ay kalsooni ku qabaan, isagoona Qoorqoor la tilmaamay inuu is difaacay.

Sidoo kale Qoorqoor ayaa la xusay in Musharaxiintii u tegtay uu ka codsaday in dalabkooda ku aadan isbedelka Guddiga uu dib ugula noqon doono Madaxda dowladda, kadibna ay mar kale yeelan doonaan kulan, si uu ula wadaago wixii uu kala soo kulmo Madaxdan sare.

- Advertisement -

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee xalay kulanka la qaatay Qoorqoor ayaa waxaa kamid ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories