HomeWararGuddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo xilka la wareegay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii maalmo kahor uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed xilkaas u magacaabay. Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday Magaalada Baraawe ee Gobolka, isla markaana waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka iyo kuwa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii maalmo kahor uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed xilkaas u magacaabay.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday Magaalada Baraawe ee Gobolka, isla markaana waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa xilka Gobolkaas ku wareejiyay Guddoomiye Cabduqadir Maxamed Nuur Siidii oo isna horey u soo qabtay xilkaas oo in muddo ah haayay.

Cabduqaadir Siidii ayaa Ibraahim Najax uga mahadceliyay shaqooyinkii Gobolka uu kasoo qabtay, wuxuuna ballan qaaday inuu shaqooyin kale Gobolka ka qaban doono inta uu xilka haayo.

“Waxaan u mahacelinaa cid kasta oo garab igu siisay shaqooyinki aan soo qabanay oo ugu horeeyo Lafat-gateen oo ii oggolaaday inaan u adeego bulshadeyda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha KGS, iyo DFS Wasaaradda Warfaafinta XFS, Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM Saaxibadda Caalamka si gaar hey’adaha xilliga adag nagala shaqeeyay gobolka iyo Guud ahaan Dowladda FS” ayuu yiri Ibraahim Najax.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories