HomeWararDowladda Somalia oo Digniin kasoo saartay Duufaano kusoo wajahan dalka

Dowladda Somalia oo Digniin kasoo saartay Duufaano kusoo wajahan dalka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Digniin Cusub kasoo  saartay Duufaano xoogan kusoo wajahan Gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay inay sababi karaan burbur hantiyadeed iyo khasaaro kale. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Duufaanta ay ku wajahan tahay Gobolada xeebta ah ee Puntland […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Digniin Cusub kasoo  saartay Duufaano xoogan kusoo wajahan Gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay inay sababi karaan burbur hantiyadeed iyo khasaaro kale.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Duufaanta ay ku wajahan tahay Gobolada xeebta ah ee Puntland Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Bosoaaso iyo deegaano kale.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sheegay in duufaanta la saadaalinayo inay bilaabato saacadaha socda soo socda ee Maanta, isla markaana duufaanta ay ku socoto xawaare sare oo halis ah, waxaana ay si toos ah ugu wajahan tahay deegaanada Xaafuun, Isku-shuban Boosaaso iyo deegaano kale.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay cabsi weyn laga qabo duufaanta oo sababi karta burbur hantiyadeed oo gaara guryaha iyo khasaaro kale, waxaana bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland ay dowladda Federaalka ugu baaqday inay taxadar muujiyaan.

“Labadii sanno ee ugu dambeeyay waxaa xeebeyna ka dhacayay sanadkiiba laba duufaan, taas oo ina tuseeys sida uu Isbedelka cimiladu u saameynta ba’an ugu yeelan karo dalka taasina waxay inoo muujineysaa inay khatarta halista dabeyluhu kusoo badanayaan dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

- Advertisement -

Hoos ks Akhriso Qoraalka Wasaaradda Gargaarka ay soo saartay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories