HomeWararDagaalka ka socda Itoobiya oo galay Wajigiisii ugu adkaa

Dagaalka ka socda Itoobiya oo galay Wajigiisii ugu adkaa

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka helayno  furumaha dagaalka  Itoobiya  ayaa shegaya  in wajigii Seddexaad ee dagaalka labada dhinacba isku diyaarinayaan, ayna jiraan is Abaabul xooggan oo si weyn loo dareemayo. Ciidamada Milatariga iyo maleshiyadka axmaarada ee dagaalka ka waday dhanka galbeed ayaa ku dhaqaaqay magaalada Adigrat,   iyago kusii wajahan  magaaloyinka  xiga dhanka Caasimadda Mekelle. Ciidamada tigray ayaa  […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno  furumaha dagaalka  Itoobiya  ayaa shegaya  in wajigii Seddexaad ee dagaalka labada dhinacba isku diyaarinayaan, ayna jiraan is Abaabul xooggan oo si weyn loo dareemayo.

Ciidamada Milatariga iyo maleshiyadka axmaarada ee dagaalka ka waday dhanka galbeed ayaa ku dhaqaaqay magaalada Adigrat,   iyago kusii wajahan  magaaloyinka  xiga dhanka Caasimadda Mekelle.

- Advertisement -

Ciidamada tigray ayaa  ka bilaabay agagaarka Adigrat dagaal goos goos ah iyo Miinoyin ay wadadda ka buuxiyen, waxaana Magaalooyinka kale ee ay u dhaqaaqeen ka mid ah freweyni, Negash, hawsen, Abraha iyo kuwa kale.

Ciidamada milatariga iyo maleshiyadka is kaashanaya ayaa sheegay inay   kuso dhaw yahiin Caasimadda Mekelle iyago sheegay inay kaso gudben dagaalkii buuraha  hadana  ay ku sugan  yahiin meel lagu magacaabo (Mahoni) wuxuuna sheegay kornel, dejene inay saacad walba  gaadhi karaan mekelle waa sido hadalka u dhigaye

Waxaana dagaal yahanada TPLF  ay isku aruur sadeen Magaaloyinka Wukro freweyni, Negash, iyago halkaas ka samaystay  godod dhaadher oo dhufaysyo ah  waxaana halkaas noqon dontaa mid dagaal keedo aad u adkaado.

- Advertisement -

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa hadda u Muuqda Mid galay Maraxalddii ugu adkeed, waxaana labada dhinac ee dagaalku u dhexeyo uu noqonayaan in ay hadda wajahayaan Wajigii ugu adkaa dagaalka oo hadda ay wadaan diyaar garoow si weyn looga dareemayo gudaha Itoobiya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories