HomeWararXasan Sheekh oo Eedeyn kulul u jeediyay Taliye Fahad Yaasiin

Xasan Sheekh oo Eedeyn kulul u jeediyay Taliye Fahad Yaasiin

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa Eedeyn kulul u jeediyay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in Fahad Yaasiin uu noqday Agaasimiha Madaxtooyada Soomaaliya, uuna ka shaqeynayo dumin siyaasadeed, taasina aan laga aqbali doonin, waa sida […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa Eedeyn kulul u jeediyay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in Fahad Yaasiin uu noqday Agaasimiha Madaxtooyada Soomaaliya, uuna ka shaqeynayo dumin siyaasadeed, taasina aan laga aqbali doonin, waa sida uu hadalka u dhigay Xasaan.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Taliye Fahad Yaasiin ku eedeeyay in uu marka hore dumiyay Ciidanka NISA, kadibna uu ku kor dumiyay Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, isla markaana haatan uu qorsheynayo dumin siyaasadeed.

Isaga oo sii hadlaayay Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in shirkii u furmay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay uga hadlayaa xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashada ka dhacaya dhammadka sanadkaan 2020/2021.

“Fahad yaasiin waxuu Dumiyay Madaxtooyada Soomaaliya, nabad sugida, Booliska iyo Siyaasadii dalka, laakiin waxa hadda ay ka Shirayaan Musharaxiinta ayaa ah in Siyaasadii dalka aanan la dumin” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuuud.

- Advertisement -

Hadalkaan ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ka sheegay Barnaamij Dood Wadaag oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Tala Soo Jeedinta oo Caawa uu ka qeyb galay, isla markaana lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories