HomeWararQalbi-dhagax oo sheegay in xarigiisii 1-aad uu ka dambeyay Madaxweyne Farmaajo

Qalbi-dhagax oo sheegay in xarigiisii 1-aad uu ka dambeyay Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa ka hadlay cidii ka dambeeysay dhiibistiisii Itoobiya iyo xarig loo geystay oo uu in muddo xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa. Qalbi-dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad xarigiisa uu geystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed, halka intii kale […]

- Advertisement -

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa ka hadlay cidii ka dambeeysay dhiibistiisii Itoobiya iyo xarig loo geystay oo uu in muddo xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad xarigiisa uu geystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed, halka intii kale ee qeybta ka aheyd ay ahaayeen kuwo digreeto Madaxweyne lagu magacaabay.

- Advertisement -

C/kariin Qalbi-dhagax ayaa sheegay inay fiicnaan laheyd Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre wixii uu ku leeyahay iyo qeybtii uu ku lahaa dhiibdidiisa inuu u sheego shacabka Soomaaliyeed.

“Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax.

Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed, kadib markii golihii Wasriirada RW Kheyre ay sheegeen in dhiibistiisu ahayd mid sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, iyagoona ku eedeeyay in uu xariir la lahaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF oo bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii dowladda Federaalka  Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya, isagoo in muddo xirnaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories