HomeWararPuntland oo Digniin kasoo saartay Roobab xoogan oo dabeylo wata

Puntland oo Digniin kasoo saartay Roobab xoogan oo dabeylo wata

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Maamulka Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Digniin ku socota dadka degan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas oo ku aadan roobab xoogan oo la filayo inay halkaas da’aan. Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka Gobolka degan looga baahan inay ka fogaadan deegaanada dhulalka hooseeya, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Digniin ku socota dadka degan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas oo ku aadan roobab xoogan oo la filayo inay halkaas da’aan.

Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka Gobolka degan looga baahan inay ka fogaadan deegaanada dhulalka hooseeya, maadaama Gobolka ay ku wajahan yihiin roobab Dabeylo wata oo sabababi kara daadad.

- Advertisement -

Sidoo kale Maamulka ayaa ugu baaqay dadka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay muujinayan taxadar dheeraad ah, si dhibaato aysan uga soo gaarin roobabka dabeysha wata oo laga cabsi qabo inay ka da’aan halkaas.

“Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab dabeylo wata sida saadaasha cimiladu sheegeyso. Hadaba waxaa shacabka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada. Rabi ha inaga hayo wax kasta oo dhibaato gaarsin kara dadka hantidooda iyo xoolahooda” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Maamulka.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa horey uga da’ay roobab xoogan oo dabeylo watay, isla markaana sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeedba, sidoo kalena ay jireen Digniino horey ay soo saartay Puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts