HomeWararMD Farmaajo “Macalimiinta waxaa ay door weyn ka soo qaaten Dowladnimada”

MD Farmaajo “Macalimiinta waxaa ay door weyn ka soo qaaten Dowladnimada”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar. Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Bareyaasha Soomaaliyeed uu la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan ee 21 Novembar, wuxuuna sheegay inay ku soo shaqeeyeen duruufo adeg oo dalku soomaray. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Bareyaasha Soomaaliyeed uu la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan ee 21 Novembar, wuxuuna sheegay inay ku soo shaqeeyeen duruufo adeg oo dalku soomaray.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Bareyaasha Soomaaliyeed ay  door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories