HomeWararGuddiga diyaarinta Warbixinta COVID-19 oo su’aalo weydiiyay Wasiir Fowsiya 

Guddiga diyaarinta Warbixinta COVID-19 oo su’aalo weydiiyay Wasiir Fowsiya 

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalkam Soomaaliya ee loo xilsaaray soo diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista  ee COVID-19 ayaa Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka. Guddiga ayaa xubnaha Wasaaradda ay kulan la qaateen waxaa hogaamineysay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fowsiya Abiikar Nuur, iyagoona ka wada hadlay arrimo la xiriira […]

- Advertisement -

Guddiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalkam Soomaaliya ee loo xilsaaray soo diyaarinta Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista  ee COVID-19 ayaa Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka.

Guddiga ayaa xubnaha Wasaaradda ay kulan la qaateen waxaa hogaamineysay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fowsiya Abiikar Nuur, iyagoona ka wada hadlay arrimo la xiriira saameynta Cudurka ku yeeshay dalka.

- Advertisement -

Inta uu socday ayaa waxaa su’aalo Wasaaradda looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin saameynta Cudurka Coronavirus ku reebay Dalka iyo qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Farhia Mumin Ali, waxaana la isaga dhageystay warbixino ku aadan saameyntii xanuunka uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 11-xubnood ayuu Guddoomiyaha Golaha  Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal u xilsaaray soo dhaweynta warbixin ku aadan saameynta Cudurka uu ku reebay dalka, iyagoona warbixinta horgeyn doona Golaha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories