HomeWararGaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rag hubeysan ayaa Goordhow gaari saarnaayeen dad shacab ah waxaa ay rasaaseeyeen deegaanka Ceelasha biyaha  ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faafino kala duwan. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ragga hubeysan ay rasaasta ku fureen gaari nooca raacada ahaa, xili uu mararay wadada Jabad geelle, waxaana la socday gaariga saddex ruux oo dhalinyaro […]

- Advertisement -

Rag hubeysan ayaa Goordhow gaari saarnaayeen dad shacab ah waxaa ay rasaaseeyeen deegaanka Ceelasha biyaha  ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya faah faafino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ragga hubeysan ay rasaasta ku fureen gaari nooca raacada ahaa, xili uu mararay wadada Jabad geelle, waxaana la socday gaariga saddex ruux oo dhalinyaro ah.

- Advertisement -

Laba kamid ah dhalinyarada ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu qaaday, isla markaana waxaa dhaawac Culus uu soo gaaray mid kamid ah dhalinyarada, kaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ragga hubeysan markii hore ay doonayeen inay dhac u geystaan gaariga ay la socdeen ragga dhalinyarada, iyagoona falka kadib goobta ay ka bsaxdeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gurmad u sameeyay dhalinyarada, isla markaana waxaa goobta laga soo qaaday Meydadka iyo dhaawaca, waxaana haatan degan wadada uu falku ka dhacay ee Jabad geelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories