HomeWararDaahir Geelle “Khatar ayaa kusoo wajahan Dimuqraadiyada Curdanka ah ee Somalia”

Daahir Geelle “Khatar ayaa kusoo wajahan Dimuqraadiyada Curdanka ah ee Somalia”

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirweynaha Maanta Musharaxiinta uga furmay Magaalada Muqdisho. Daahir Geelle oo la hadlay warbaahinta kadib markii uu soo gaba-gaboobay shirka maalintii koowaad ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha xiligaan ay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curr-danka ah […]

- Advertisement -

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirweynaha Maanta Musharaxiinta uga furmay Magaalada Muqdisho.

Daahir Geelle oo la hadlay warbaahinta kadib markii uu soo gaba-gaboobay shirka maalintii koowaad ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha xiligaan ay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curr-danka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Musharaxiinta inay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhex-dooda ahaa, isla markaana meel uga soo wada jeestaan marxalada kala guurka ah ee dalka.

Sidoo kale Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu tilmaamay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag iyo doorashada dalka oo ku dhacda si nabad oo xor ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaase.

“Baaqeynu waxaa uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

- Advertisement -

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta waxaa Magaalada  Muqdisho uga furmay shirweyne socon doona muddo saddex maalmood oo looga hadlayo Arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya ee 2020/2021, iyagoona Musharaxiinta sameeyn doona Is-baheysi mid ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories