HomeWararCabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhameystiray Guddiga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland). Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu ku dhameystiray Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland oo ka kooban 8-xubnood, isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee heer Federal ee Doorashada […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhameystiray Guddiga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu ku dhameystiray Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland oo ka kooban 8-xubnood, isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

- Advertisement -

Sidoo kale Wareegtada Cabdi Xaashi ayaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble lagu faray in xubnaha Maanta la magacaabay iyo afartii horeyba lagu daro Guddiyada Doorashooyinka 2020/2021 ay dowladda Federaalka magacaawday.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.

Khamiistii lasoo dhaafay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories