HomeWararCabsi ka jirta deegaan hoostega degmada Warsheekh

Cabsi ka jirta deegaan hoostega degmada Warsheekh

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Bakaaroole oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas. Xiisada ayaa timid kadib markii dhawaan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Xawaalo Odayaal ee duleedka Warsheekh, kaasi oo salka ku […]

- Advertisement -

Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Bakaaroole oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Xiisada ayaa timid kadib markii dhawaan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Xawaalo Odayaal ee duleedka Warsheekh, kaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana xiligaas kadib deegaano hoostega degmadaas kasoo cusboonaaday xiisad colaadeed.

- Advertisement -

Dadka deegaanka Bakaaroole oo la hadlay ayaa sheegay inay jirto cabsi xooggan oo ku aaddan inuu dhaco fal la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa halkaas isaga tegay gebi ahaan raggii ku sugnaa sida dhalinyrada iyo Odayaasha, xitaa waxaa horey loo sii waday Caruur da’yar.

Illaa iyo hadda ma jiro wax dadaalo ah oo socda, isla markaana lagu kala dhex-galayo beelaha walaala ah ee colaada  u dhexeeyso, in kastoo uusan jirin wax dagaal ah, balse cabsi labada dhinac ah ayaa jirto.

Dhinaca kale deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Warsheekh ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay dad farabadan, kuwaasi oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarkii 8-dii bishaan lagu dilay Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, kaasi oo ka dhacay tuulada xalluule.

- Advertisement -

Deegaano iyo degmooyin hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana dagaal beeleedyada qaarkood lagu guuleystay in xal laga gaaro, halka kuwo kalena aan weli la xalin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories