HomeWararFaah faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Faah faahino:- Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Faah fahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi. Wararku waxaa ay sheegayaan in Bom gacmeed lagu tuuray Ciidanka Puntland oo howlgalo ka waday dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxa ka dib ay ciidanku fureen Rasaas si […]

- Advertisement -

Faah fahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Bom gacmeed lagu tuuray Ciidanka Puntland oo howlgalo ka waday dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxa ka dib ay ciidanku fureen Rasaas si weyn looga maqlay Xaafadaha ku teeedsan uu halka falku ka dhacay.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay weerarkaasi Bomka ah, waxaana wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ciidankii howlgalka waday.

Wali ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, basle dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gaysta inta badan falalka noocaas ah, iyagoo horay u weeraray Magaalooyin ka tirsan Maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories